Xog: R/Wasaare Cabdi Weli Sheekh oo ay Britain ku heysato arrin xasaasi ah

Britain (Caasimada Online )- Warar lagu kalsoon yahay oo laga helaayo dhanka Wufuuda Dowlada Federaalka Somalia ee Ingriiska xiligaani Jooga, ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Dalka C/weli Sheekh Axmed uu Madaxda Dalka Britain gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha dibada Dalkaasi kala hadlay Arinta Safaarada Somalia ee Britain oo xiligaani ah Safiir la’aan, kadib markii halkaasi laga soo ceyriyay Safiirkii ku magacawnaa.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Ra’isulwasaaraha Somalia lagu wargaliyay in Dowlada Britain aysan xiligaani aqbali doonin Safiir loo soo magacaabo Safaarada oo gaf ama sharaf dhac u geysta Madaxda Britain.

Xoghayaha Arrimaha Dibada, ayaa la Tilmaamayaa inuu ku dooday in Dowladiisu ay garab istaagto Dalka Somalia, balse awaal looga dhigo gaf laga gala Siyaasada dalka, waxaana la sheegayaa inuu Tusaale usoo qaatay Safiirkii hore ee Somalia, xiligaana ah Aggaasimaha Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Somalia C/llahi Sambaloolshe.

Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheikh Axmed ayaa isaguna dhankiisa ka dalbaday Xoghayaha in Dowladiisu Britain raali ka noqoto Falkii uu ku kacay C/llahi Sambaloolshe kaasi oo ahaa inuu si aan habooneyn u adeegsaday diblumaasiyada.
Dhanka kale, Ra’isulwasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa u ballan qaaday Britain in DFS ay ka fiirsan doonto Safiirka ay usoo magacaabi doonto Dalka Britain.

Caasimada Online
Xafiiska Britain
Caasimada@live.com