Real Madrid oo dooneysa inay Janaayo lasoo wareegto xidiga Tottenham Gareth Bale.

Real Madrid ayaa dooneysa inay si la yaab leh usoo bandhigto kooxda ka ciyaarta Premier Laegue ee Tottenham kaasoo ah in daafacooda bidix ee reer Portugal Fabio Coentrao iyo 50 milyan oo ginni ay kaga doonayaan Gareth Bale, sida ay qortay majalada The Sun.

Tababaraha Real Jose Mourinho ayey u cadahay inuu Janaayo lasoo wareego xidiga reer Wales ee garabka ka ciyaara.

Andre Villas-Boas ayaa horay ugu daalay waqtigii uu joogay Chelsea inuu lasoo saxiixdo Coentrao oo 24 jir ah wuxuuna sidoo kale doonayey inuu qeyb kaga dhigo heshiiskii uu Luka Modric kula biiray Bernabeu.

Coentrao ayaa xilli ciyaareedkaan keliya laba kulan u saftay kooxdiisa Real Madrid.

Bale ayaa shan sano oo qandaraas ah u saxiixay kooxdiisa bishii August laakiin Real Madrid ayaa horaanba usoo bandhigtay qiimaha ugu macquulsan.

Gudoomiyaha kooxda Tottenham Daniel Levy ayaa  si adag ugu dagaalami doona inuu ceshto xidiga ugu il qabadka wanaagsan kooxdiisa.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Mogadishu, Somalia.