Muqdisho (Caasimada Online) – Boqor Maxamed Jaamac oo ah Afhayeenka Salaadiinta Gobolada Waqooyi oo ku sugan magaalada Muqdisho, ayaa qeyla dhaan ka keenay faragalin ay Gudiga doorashada dadban ku hayaan doorashada Xubnaha labada Aqal ee Somaliland.
Boqor Maxamed Jaamac ayaa sheegay in Guddiga uu faragalin ba’an ku hayo kuraasta harsan ee Xildhibanada gobolada Wuqooyi.
Boqorka ayaa tilmaamay in Guddiga ay si cad u diideen in si habsami leh loo dhameystiro Kuraasta harsan waxa uuna tilmaamay in Caqabado aan dhamaan la hordhigay doorashooyinka la qaban lahaa.
”Ilaa xad waan ka gaabsanay ka hadalka caqabadaha naga heysta Guddiga doorashooyinka waxaan qirayaa in Guddiga ay si cad u fashilinayaan hanaanka doorashooyinka”
”Waxaan caalamka u sheegeynaa in Guddiga doorashooyinka uusan ka shaqeyneynin dhameystirka doorashooyinka wixii dib u dhac ah anagu mas’uul kama nihin”
Boqor Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in mas’uuliyad aysan ka saarneyn wixii dhaliil ah oo ka imaada dhameystir la’aanka doorashada kuraasta labada Aqal ee Gobolada Waqooyin.
Dhinaca kale, Boqor Maxamed Jaamac, ayaa Dowlada ku eedeeyay inay raali ka tahay sababaha lagu dib dhigaayo doorashada, waxa uuna ka digay in sababtaani ay ku suuragasho dib u dhac lagu sameeyo doorashada Madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

