Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa mamnuucay in deegaanada maamulka lagu dhex qaato Hub sharci darro ah, kadib markii halkaasi uu dagaal ku dhexmaray Ciidamada NISA iyo Booliska.
Maamulka ayaa sheegay in talaabo sharci ah laga qaadi doono cidii lagu arko Hub aan sharci aheyn, waxa uuna maamulka ka digay in la jabiyo amarkaasi.
Cumar Maxamed Diiriye Guureeye oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in amarkaasi uu yahay mid saameynaaya cid waliba oo Heysata Hub aan lala ogeyn.
Mr Guureeye waxa uu ku celcelshay in dadka deegaanka iyo shaqsiyaadka kale ee isticmaalaya Hubka aan diiwaan gishneyn aysan dhagaha ka fureysan amarka waxa uuna ciidamada maamulka faray in gacanta ay ku dhigaan cidii ay ku arkaan Hubka aan sharciga aheyn.
Guureeye waxa uu talaabadaasi ku sheegay inay tahay mid ka danbeysay iska hor imaadkii ciidamada NISA iyo Booliska ku dhexmaray magaalada Cadaado.
Maalinimadii shalay ayay aheyd goortii magaalada Cadaado ay isku farasaaren labada ciidan.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

