Garoowe (Caasimada Online) – Hogaamiyihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan ”Faroole” ahna Musharax u taagan qabahsada xilka Madaxweynaha ayaa ka hadlay Doorashada Madaxweynaha Somalia.
Faroole, ayaa sheegay in iminka la taagan yahay wakhtiga lagu ballamay inay dhacdo doorashada, waxa uuna tilmaamay in Doorashadu ay ku dhici doonto jawi degan.
Faroole, ayaa tilmaamay in wakhtiga lagu jiro uu yahay mid ka duwan kuwii hore, isla markaana Somalia ay ka ambaqaaday dhibaatada Siyaasadeed ay ku jirto, bacdamaa ay Soomaalidu garteen inay isku diyaariyaan Doorasho xor ah.
C/raxmaan Faroole waxa uu sidoo kale, sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka cusub looga fadhiyo inay doortaan Madaxweyne caadil ah isla markaana hogaaminkara dalka.
Doorashada ayuu sheegay inuu rajeynaayo inay ku dhacdo xiligeeda waxa uuna arrin yaab leh ku sheegay haddii ay dhacdo in la dib dhigo Doorashada.
Faroole waxa uu farta ku goday in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku jiraan kuwo waayo arag u ah xaalada dalka, waxa uuna rajo ka muujiyay inay dooran doonaan Madaxweynaha dalka hogaamin doona 2017 ilaa 2020.
Amniga dalka ayuu sheegay inuu yahay mid wanaagsan isla markaana loo baahan yahay mid intaa kasii xoogbadan si buu yiri loo helo jawi degan oo ay ku dhacdo Doorashada.
Ma uusan muujin dhibaato suuragalinkarta inay u dib dhacdo Doorashada lagu ballamay in dabayaaqada bishaani ay ka dhacdo dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

