“Reer Xamarow Deni afka iyo gacmaha ayuu dhiig ku wataa iska ilaaliyaa” – Siyaasi reer Puntland ah oo digay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Aadan Maxamed Cali oo horey usoo noqday wasiir xilligii dowladdii Maxamed Siyaad Barre, haddana kamid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ka digay in Saciid Deni loo doorto madaxweynaha Soomaaliya.

Aadan Maxamed oo khudbad ka jeediyey shir ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta iyo odayaasha Puntland kaasoo cinwaankiisa laga dhigay Samata-bixinta Puntland iyo Soomaaliya ayaa madaxweyne Deni ku eedeeyey inuu burburiyey Puntland, haddana aan lagu aamini karin masiirka Umadda Soomaaliyeed.

“Munaasabadeena waxay tahay Samata-bixinta Puntland ama Samata-bixinta Soomaaliya wax kala hari kara maahan, Puntland nin baa baabi’iyey, nin baa aakhiro u diray, dadkeedii iyo mashaariicdeedii iibsaday, ninkii isaga ahaa baa Soomaaliya usoo socda marka way isku xiran tahay badbaadada Puntland iyo badbaadada Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Aadan Maxamed Cali.

Aadan ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu hor istaagay horumarka Puntland, gaar ahaan wuxuu carabka ku dhuftay inuu diiday in baaritaan lagu sameeyo shidaalkeeda isagoo shuruud uga dhigay in la siiyo lacag sida uu hadalka u dhigay.

“Saciid Deni wuxuu diiday in sahan lagu sameeyo shidaalka, wuxuu yiri anagaa sameysaneyno ee lacagta anaga nagu soo wareejiya, war lacag la isa siinayo ma jirtee Teknoloojiyad iyo cilmi baa la isa siinayaa iyadana lama wareejiyo wuu diiday, markii la yiri xisaabta la idin siinayo xisaab celin keena oo aan ognahay xisaab celintaas dhulka ay ku baxday, wuxuu yiri xisaab celin keeni meyno, markii ay dhacday inaan shaqaale la qorin, markii ay dhacday in Dekaddii laga shaqeenayey inuu bacaad buuxiyey oo Duumihii iyo Maraakiibtii ku xiran waayaan, markii Garoonkii Diyaaradaha uusan heysan qiimeyntii adduunka oo aan wax horumarin ah lagu sameyn, markii uu Deni diiday in Shahaadada laga soo saxiixo wasaaradda Waxbarashada halkee ayey ardeydeena la aadayaan, markii la yiri ciidamadii keena oo 3300 ahaa oo uu yiri soo qori meyno, ujeedkiisa dhan waa in dadka Reer Puntland ay noqdaan baaga muudo isla markaasna inta soo hartay ay xaqaan, marka miyeysan aheyn inuu Deni burburiyey Puntland oo dhan?,” ayuu yiri Aadan Maxamed.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Saciid Deni uu isku diray qabiilada Puntland, islamarkaana uu dhexdooda ku abuuray is naceyb uuna diiday inuu u caddaalad sameeyo.

“Waa Waajib inaan badbaadino Puntland iyo Soomaaliya, kaalin iyo cod ayaan ku leenahay waa inaan qeybteena ka qaadano, dadka Xamar waxaan u sheegeynaa Deni Afka ayuu dhiig ku wataa, gacmaha ayuu dhiig ku wataa, waxay u baahan tahay inaad ka taxadartaan, Deni anagaa soo aragnay waan idin kaga digeynaa, anaa u dhaawacan anagaa aakhiro u jirna, anaga ayaa guryaheena ku burbureen, anagaa dadkeenii ku kala qaxay, anagii ayaa ku kala dhimanay, Ninkii isaga ahaa ayaa soo socda,” ayuu yiri Aadan.

Digniinta kasoo yeertay siyaasiyiinta Puntland kasoo jeeda ayaa kusoo aadeyso xilli uu Saciid Deni kusoo wajahan Muqdisho si uu ugu tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna tan dhaawac weyn ku tahay rajadiisa.