Midowga Afrika oo ku gacan sayray go’aankii uu ROOBLE ku eryey Danjire Madeira

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa ku gacan sayray go’aankii uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble dalka uga eryey wakiilka gaarka ah ee ururka u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa taas beddelkeeda sheegay inay qadanayaan go’aanka madaxweyne Farmaajo ee ah inaan dalka laga eryin Danjire Francisco Madeira, sidaas darteedna uu sii joogayo.

“Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika wuxuu walaac ka muujinayaa war-saxaafadeedka uu dhowaan soo saaray xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomalaiya ee ku aadan maqaamka wakiilka gaarka ah ee ururka ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat. 

“Arrin tan la xiriirta, Guddoomiyuhu wuxuu si mahad-naq leh u xusayaa warqadda rasmiga ah ee ku taariikhaysan 7 April 2022 ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu kaga xumaaday soo saarista war-saxaafadeedka kor ku xusan, isagoo caddeynaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii waddo xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya Danjire Madeira, gaar ahaan, iyo guud ahaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee KMG ah ee Soomaaliya (ATMIS),” ayuu yiri guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat.

Moussa Faki Mahamat ayaa intaas ku daray inuu kalsooni iyo aaminaad buuxda ku qabo wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjrie Madeira, uuna sii wadan doono shaqadiisa.

Go’aanka Midowga Afrika ayaa dhabarjab siyaasadeed oo weyn ku ah ra’iisul wasaare Rooble, mana cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono iyo sida uu danjire Madeira uga saari doono Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan inay jirta xog ay ilo diblomaasi ka heshay Caasimada Online oo sheegeysay in ururka uu aqbalay go’aanka Rooble, taasi oo hadda u muuqata mid aan sax aheyn, waana ka xunahay oo idnka raali gelineynaa inaan idinla wadaagnay.

Hoos ka aqriso qoraalka guddoomiyaha Midowga Afrika