Sacuudi Carabiya oo ku dhowaaqday tirada dadka loo ogolaaday Xajka sanadkan

Makkah (Caasimada Online) – Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in hal milyan oo qof oo isugu jira shacabka gudaha iyo debadda loo fasaxay inay xajiyaan sanadkaan 2022 oo ku beegan 1443 Hijriyada.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dadka loo ogolyahay inay xajiyaan ay da’doodu tahay 65 Jir iyo wixii ka yar, waxaana shuruudda lagu xirayo kamid ah inuu qofka qaato tallaalka COVID-19 ee laga aqoonsan yahay Sacuudiga.

Dadka kasoo xajinaya bannaanka Sacuudiga waxay sheegtay wasaaradda in laga rabo inay 72 Saac ka hor soo gudbiyaan baaritaanka PCR ee COVID-19 inta aysan usoo safrin boqortooyada.

Dowladda ayaa sheegtay inay tiradaan noqoneyso middii ugu badneyd ee loo ogolaado inay xajiyaan tan iyo markii uu dilaacay cudurka COVID-19.

Xujaajta ayaa loogu baaqay inay raacaan talaabooyinka taxaddarka ah inta ay gudanayaan cibaadadooda si ay u ilaashadaan caafimaadkooda iyo badqabkooda.

Xajkii hore Dowladda Sacuudiga ayaa kaliya ogolaatay inay xajiyaan 60 Kun oo qof oo gudaha Sacuudiga ku sugan, waxaana markaas si weyn adduunka ugu faafsanaa cudurka COVID-19.

Cudurkaan ka hor tirada xujeyda ayaa ahaan jirtay 3 Milyan oo qof, waxaana hadda la ogolaaday kaliya 3 meelood 1 meel tiradii hore.