Riccardo Montolivo: Shalaayto kama taagni go’aankii aan kula soo biiray Milan.

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda AC Milan Riccardo Montolivo ayaa ka dhawaajiyey inuusan ka shalaaynin inuu ku biiro kooxda Milan, isagoona difaacay qaabciyaareedkiisa xulka Italy ee kulankii Almenia.

Mishiinkaan haga qadka dhexe ayaa si xor ah uga soo tegay kooxda Fiorentina wuxuuna ku biiray Rossoneri, oo hada horyaalka Italian Serie A kaga jirta booska 11-aad

“Waa sax inay Milan ku jirto waqti adag, laakiin kama aana shalaayn wax quseeya go’aankaan,” ayuu yiri Montolivo.

“Dhan ahaan tani waa marxalad gooni ah, Milan weli waa kooxda ugu koobabka badan caalamka.

“Markii aan kasoo tegay Fiorentina waxaan doonayey meel aan mustaqbalkeyga kusoo afjaro. Milan ayaana ah meesha fikrad ahaan I gelisay kalsoonida. Sida ugu dhaqsaha badan ayaana kusoo kabsan doonaa.”