ROOBLE awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha hay’adda NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda haatan ka taagan Villa Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertay, kadib qoraallo liddi isku ah oo ka soo kala baxay xafiisyada ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, kuwaas oo la xiriira kiiska lagu heysto hay’adda NISA ee Ikraan Tahliil Faarax.

Ra’iisul wasaare Rooble oo qaaday tallaabada hore ayaa shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, isaga oo mid kale oo KMG ah magacaabay, waxaase ka horyimid madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, waxba kama jiraana ku tilmaamay.

Haddabada Rooble awood sharci ma u leeyahay shaqo joojinta agaasimaha NISA?

Ciise Dhoolo-Waa oo ah aqoonyahan ku xeel-dheer shuruucda sirdoonka, dastuurka iyo amniga, isla-markaana u waramay VOA ayaa ka hadlay sharciyan qodobada ay isku hayaan ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha oo markale fooda is daray, xilli lagu jiro kala guur.

Aqoonyahankan ayaa shaaca ka qaaday in ra’iisul wasaaraha uu sharci iyo xaqba u leeyahay inuu shaqada ka joojiyo agaasimaha NISA ama xittaa uu ka qaado, isaga oo tilmaamay in madaxweynaha uu isna xaq yeelanayo oo kaliya markii golaha wasiirad ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka aad fiiriso sharciga ama dastuurka ra’iisul wasaasaraha Soomaaliya sharci iyo xaq labadaba isagaa u leh inuu shaqada ka joojiyo xittaa inuu shaqada ka qaado. Madaxweynaha kaliya waxaa laga rabaa hal wax markii golaha wasiirada oo uu ugu sarreeyo Prime Minister-ku ay go’aan ku gaaraan in taliye la magacaabo ama taliye laga qaado buu madaxweynuhu yeelanayaa xaqa ah in isagu uu yahay qofka sameynaayo Operation-ka ama magacaabid ha noqoto ama ha noqoto ka qaadidi,” ayuu yiri Mr. Ciise.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray “Golaha xukuumadda ayaa leh , waxaana ugu sarreeyo Prime Minister-kam sidaas darteedna Prime Minister-ka ayey ka imaaneysaa oo soo ogolaanayo in taliye hebel laga dhigo taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed ama ciidanka Booliska oo kale. Marka sidaas darteed waxaan anigu qabaa sharcigana uu qabaa in wax walba ka bilaabmaan oo xitaa ay ku dhammaadaan xukuumadda,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, xilli xasaasi ah, isla-markaana ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha ay isku qabteen shaqo joojinta uu Rooble ku sameeyey agaasimaha NISA Fahad Yaasiin oo uu horey ugu qabtay in 48 saac uu ku cadeeyo dilka Ikraan Tahliil Faarax.