Jubaland oo war culus kasoo saartay xiisadda culus ee ka dhex-qaraxday Villa Somalia

Kismaayo (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu caddeeyey mowqifkooda ku aadan khilaafka ka dhashay shaqo joojinta lagu sameeyey agaasimihii hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Jubbaland ayaa ugu horreyn soo dhoweysay go’aanka uu Rooble ka qaatay maareynta kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la sheegay inay dileen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Jubbaland ayaa ra’iisul wasaaraha ku boggaadisay shaqo joojinta uu ku sameeyey Faahad Yaasiin, kaas oo khilaaf ka dhex-dhaliyey Villa Soomaaliya.

“Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada maamulka Jubbaland.

Warsaxaafadeedka ay soo saartay Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay in haatan amniga doorashooyinka iyo qorshayaasha amniga dalka uu mas’uul ka yahay Rooble.

Dhinaca kale Jubbaland ayaa madaxweynaha ku eedeysay inay qaranimada ay kala weyn tahay saaxibtinimada iyo danaha gaarka ah, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu si buuxda ugu bidhaamiyay umadda Soomaaliyeed & Dunidaba in shakhsi uu ka weyn yahay Qaranka Soomaaliyeed, dulmiga & cadaalad darrada garab buuxa u yahay” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn qoraalka ka soo baxay Jubbaland ayaa loogu baaqay hay’adaha amiga iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed inay raacaan awaamiirta uu soo saaray Rooble.

Jubbaland Waa maamulkii ugu horreeyey ee war kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee ka qaraxyday Villa Soomaaliya, taas oo ka dhalatay shaqo joojintii agaasimihii NISA.