Wararkii ugu dmabeeyey ee xaaladda dhalinyaradii loo afduubtay kiiska IKRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guuleystay inay dib xorriyaddooda u helaan dhalinyaradii dhowaan lagu afduubtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, sababo la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Dadaallada lagu soo daayey dhalinyaradan oo saddex ahaa, isla-markaana ay gacanta ku dhigeen maleeshiyaad ku heyb ah Ikraan Tahliil ayaa waxaa ka qeyb-qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ee maamulka HirShabelle.

Sidoo kale arrintan waxay ku timid wada-hadallo dhex-maray odayaasha iyo waxgaradka labada beelood, si loo qaboojiyo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax.

Dhinaca kale siyaasiga caanka ah ee Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa soo dhoweeyey dadaallada guuleystay ee lagu soo daayey dhalinyaradaasi, wuxuuna u mahad-celiyey odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada iyo sidoo kale mas’uuliyiinta deegaanka.

“Waxaan bogaadinayaa in uu miro dhalay, dadaalkii iyo howsha hagar la’aanta ahayd ee ay qabteen odayaasha dhaqanka, mas’uuliinta iyo aqoonyahannada labada beelood ee walaalaha ah, oo saaka ku guulaystay in ay xorriyadoodii u soo celiyeen seddexdii dhallinyarada ahayd ee lagu haystay degamada Baladweyne, iyaga oo bad qaba” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray “Waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa odayaasha dhaqanka, masuuliinta iyo qoyska ay ka dhalatay Ikraan Tahliil Faarax oo muujiyay dadaal dheeraad ah,”.

Ugu dambeyn Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo wanaaga iyo darisnimada, lana adkeeyo nabad-geylada deegaanka.

“Waxaan mar kale ugu baaqayaa in walaalaha wada deggan deegaanka ay ilaashadaan daris wanaagga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka wada dhaxeeyo, lana adkeeyo nabadgelyada iyo wadajirka bulshada wada daggan Degmada Baladweyne, ayuu raaciyey.

Si kastab arrintan ayaa ku soo aadeyso, xilli ay haatan soo shaac-baxday xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan, taas oo sababtay in shaqada laga joojiyo agaasimihii NISA.