Maxay ku kala duwan yihiin go’aanada ay kala qaateen FARMAAJO iyo ROOBLE?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda u dhexeysa xoggaanka Villa Soomalaiya ayaa haatan ka sii dareysa, waxaana ay ka dhalatay, kadib markii uu Rooble shaqo joojin ku sameeyey agaasimihii hay’adda NISA, kadibna uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiga mucaaradka ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo si aad ah uu taxliiliyey go’aannadan ayaa shaaciyey inay labada dhinac ku kala duwan inuu mid u hiiliyey cadaaladda, halka midka kalena uu hor istaagayo cadaaladdii, sida uu hadalka u dhigay.

“Go’aanada Rooble iyo Farmaajo waxay ku kala duwan yihiin, midna caddaaladda ayuu u hiiliyey, xuquuqda muwaadinka buu ilaaliyey, damiirkiisana waa u nadiif, halka kan kale uu caddaaladdii hor istaagay, xuquuqdii muwaadinka ku tuntay, damiir gubanaya saaxiibkiis ku difaacay,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in go’aanka kasoo baxay madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday uu u muuqdo mid uu ku taageerayo Fahad Yaasiin, isla-markaana laga leeyahay dano siyaasadeed oo gaar ah.

“Waa laba midkood; in uu Fahad la ogaa afduubka iyo dilka Ikraan, ama uu ka arradanyahay damiir masuuliyadeed, damqasho waalidnimo iyo dan qaran,” ayuu raaciyey.

Gabagabadii hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa xusayn in arrintan ay tahay mid guud, isla-markaana labada go’aaan midka taageero bato uu geli doono diiwaanka taariikhda.

“Siyaasiyiinta, ciidanka, bulshada Rayadka ah, madaxda dowlad goboleedyada iyo shacabkaba labada go’aan kii ay taageeraan ayaa taariikhda loogu diiwaan gelinayaa,”

Si kastana siyaasiiyinta mucaaradka ayaa taageero weyn u muujiyey ra’iisul wasaaraha, iyaga oo taageeray tallaabadii uu shaqada uga joojiyey agaasimihii hay’adda NISA