Xisbiga Xasan Sheekh oo si cajiib ah uga hadlay xil ka-qaadista Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo war-murtiyeed soo saaray ayaa halmbalyo u diray taliyaha kumeel gaara ah ee Hey’adda NISA Sarreeye Guud Bashiir Maxamuud Jaamac, isagoo u rajeeyey inuu guul ka gaaro mas’uuliyadda culus loo idmaday.

Warqadda kasoo baxday xisbiga UPD ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu yahay qofka mas’uulka ka ah dhammaan hey’adaha fulinta dalka.

“Ra’iisul Wasaaraha waxa uu mas’uul ka yahay dhammaan hay’adaha fulinta dalka oo ay ku jiraan kuwa ammaanka, jiritaanka hay’ado ammaan oo aan ka amar qaadanna waxa ay albaabka u fureysaa xasillooni darro iyo sameysanka kooxo hubeysan oo aan sharci ahayn, isla markaana dalka u horseeda burbur,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga.

Xisbiga UPD ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada inay Ra’isulwasaare Rooble ku garab siiyaan dadaallada uu caddaaladda ugu raadinayo Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda NISA.

Sidoo kale, Xisbiga ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu ka waantoobo carqadaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waa in uu ka waantoobaa carqaladeynta dadaallada Ra’iisul Wasaaraha, maadaama uu baarlamaanka iyo ummadda Soomaaliyeed hortooda ugu wareejiyay mas’uuliyadda dalka, kadib markii uu muddo xileedkiisu dhamaaday,” ayuu mar kale yiri qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir Agaasimihii NISA, Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kahor yimid tallaabadaas.