Maxaa ka jira in ciidamo ay qabsadeen xarunta wasaarada warfaafinta ee Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii u dambeeyay baraha bulshada si weyn ugu faafay warar sheegaya in ciidamo dheeraad ah oo koofiyad casta ah la dul-dhigay dhismaha xarunta wasaaradda warfaafinta, kadib xiisada ka dhalatay shaqo joojinta lagu sameeyay Fahad Yaasiin.

Il-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin ciidan qabsaday xarunta wasaaradda warfaafinta, xaaladduna ay caadi tahay.

Sidoo kale, madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku sheegtay in ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta, si loola wareego warbaahinta dowladda ee ka howl-gasha xaruntaas.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu markale khilaaf ka dhex qarxay ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, kadib markii uu Rooble shaqada ka joojiyey Fahad Yaasiin, halka uu Farmaajo amray in uu shaqadiisa sii wato.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku-meel gaar ah xilkaas ugu magacaabay taliyihii hore ee ciidamada asluubta Soomaaliya Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac “Bashiir Goobe”. Bashiir Goobe ayaa sidoo kale ahaa taliyaha NISA, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2014, xilligii madaxweyne Xasan Sheekh.

Rooble ayaa sidoo kale Fahad ku amray inuu muddo saddex maalmood gudahood ah, oo ka billaabata marka uu warqadda saxiixo Rooble, uu xilka ugu wareejiyo Bashiir Goobe, wuxuuna sheegay in uu shaqo ka-joojinta Fahad u adeegsaday qodobka 13-aad ee dastuurka oo ka hadlaya xaqa nolosha, taas oo loo fasiran karo inuu ku eedeynayo dilka Ikraan Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa go’aanka ka soo baxay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku tilmaamay mid baal marsan xeerarka oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka.

“Waxaa la farayaa Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in uu sii wado hoggaaminta Hay’dda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, si waafaqsan Dastuurka iyo Wareegtadii Madaxweynahu uu ku magacaabay,” ayaa lagu yiri qoraalka Farmaajo.