Daawo: Hooyada Ikraan Tahliil oo si qiiro leh uga hadashay dagaalka Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaali Maxamuud Guhaad oo ah hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hay’adda NISA ayaa ka hadashay xil ka qaadistii lagu sameeyey Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Hooyo Qaali ayaa ugu horeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uga mahadcelisay go’aankii uu xilka kaga qaaday Fahad Yaasiin oo ay ku tilmaamtay inuu yahay go’aan cadaalad loogu raadinayo gabadheeda Ikraan.

“Waxaan Ra’iisul Wasaare Rooble uga mahad celinayaa go’aankii geesinimada lahaa ee uu qaatay, taasoo aheyd wax uu horey uga ballan qaaday shacabka Soomaaliyeed, waxaana ka codsanayaa inuu horey usii wado cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil,” ayey tiri hooyo Qaali oo shir jaraa’id ku qabatay Muqdisho.

Dhinaca kale, Hooyo Qaali ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digtay inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheeda.

“Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaan uga digayaa inuu hor istaago cadaaladda loo raadinayo gabadheed oo uusan fiirin saaxiibtinimada kala dhaxeyso Fahad Yaasiin oo uu fiiriyo cadaaladda ay gabadheeda u baahan tahay,” ayey tiri mar kale.

Hooyo Qaali ayaa Farmaajo u sheegtay inay u joogaan gabdho iyo wiilal, islamarkaana waxay si naxariis leh ugu baaqday inuusan nabsi ka gelin oo uu la dareemo xanuunka ay Maanta dareemeyso.

Ugu dambeyntii Hooyo Qaali ayaa u mahadcelisay dhallinyaradii shalay Muqdisho ka dhigay banaanbaxii cadaaladda loogu raadinayey gabadheeda Ikraan Tahliil Faarah kuwaas oo ay ciidamo boolis jir dil u geysteen.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee hooyo Qaali