Cabdikariin Xuseen Guuleed oo FARMAAJO u sheegay inuu hal mid garwaaqsado

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay jahwareerka siyaasadeed ee ka dhashay shaqo joojintii Fahad Yaasiin.

Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in marnaba aysan noqon karin mas’uuliyada dalka mid dayacan, islamarkaana ay tahay in xiliga kala guurka loo hoggaansamo isbedallada uu sameynayo Rooble.

“Xilliga lagu jiro oo xasaasi ah awgeed, masuuliyadda dalku ma noqon karto mid dayacan, cid walba daraf ku dhagantahay iyo sharciyad habawsan. Waxaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaatay masuuliyadda guud iyo maareynta xilliga kala guurka ah waana in lagula shaqeeya oo loo hoggaansamaa isbadallada uu sameeyay,” ayuu ku yiri Cabdikariin Guuleed qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook.

“Farmaajo waa madaxweyne xiligiisu dhamaaday oo aan wax awood sharciyeed laheyn, waana inuu taas garwaaqsadaa. Dalku ma xamili karo qalalaase cusub.”

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in marnaba aan la iska indho-tirin caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo qoyskeeda, laguna garab siiyo arrintaasi Ra’iisul Wasaaraha.

Dalku ma xamili karo qalalaase cusub. Waa inaan dhammaanteen masuuliyad iska saarnaa hirgelinta doorasho hufan oo aan daahin si loo badbaadiyo miraha Dowladnimada, sidoo kale waa inaan la iska indho-tiran caddaalad u raadinta Ikran Tahliil iyo qoyskeeda oo aan arrintaas ku garabsiinaa ra’iisul wasaaraha.

Cabdikariin ayaa dalbaday in xiligan xasaasiga ah mas’uuliyad weyn la iska saaro hirgelinta doorasho hufan oo an daahin, si buu yiri loo bad-baadiyo miraha dowladnimo.

“Waxaan ku baaqaya in laga foggaadaa dib u dhac cusub iyo in loo turo nidaamka Dowliga ah ee dalka, oo aan dhamaanteen wehel ka dhiganaa tanaasulka.”

Xiisada cusub ee ka dhalatay shaqo joojinta Fahad Yaasiin iyo shaqo ku soo celintiisa oo kasoo kala baxay xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ayaa horseed u noqon kara dib u dhac cusub oo ku yimaada hanaanka doorashooyinka dalka.