Rooble iyo Farmaajo: Yaa gacan sarreeya illaa hadda?

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu dib u soo laba kacleeyay khilaafkii Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kala dhaxeeyay Ra’iisal Wasaarihiisa Maxamed Xuseen Rooble, waxaa dalka ka bilaabatay mowjad labaad oo siyaasadeed, oo dhalisay kala xulafeysi labada dhinac ah.

Dagaalka labada Nin ayaa cirka isku sii shareeyay markii Farmaajo uu Ra’iisal Wasaare Rooble ku eedeeyay inuu ka gaabiyay hoggaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u igmaday 1-dii bishii May ee sanadkan, islamarkaana uu ku baaqay shir wada-tashi, oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka, midaasi oo sida muuqata dhaawici doonta doorashada markii horeba uu muranka badan hareeyay.

Rooble ayaa u jawaabay, wuxuuna qoraalka Farmaajo ku qeexay mid si ku talo-gal ah uu madaxwaynuhu ugu carqaladaynayo hannaanka doorashada dalka oo maraya marxalad aad xasaasi u ah, kaasi oo uu ku tilmaamay mid sharciga baalmarsan ayna ku dheehan tahay mas’uuliyad darro.

Farmaajo ayaa xiisadda kasii daray xalay markii uu sheegay inuu shaqada ka joojiyey ra’iisul wasaaraha.

Haddaba, Sidee illaa hadda labada Nin u kala gacan sareeyan, una kala heleen taageerada siyaasadeed?

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa taageero weyn u muujiyey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo sheegay inay ka qeyb-galayaan shirka uu hore u iclaamiyey ee Golaha Wada-tashiga Qaranka, ayaga oo ka horyimid midka uu ku baaqay Farmaajo.

Jubaland ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Jubaland waxay diyaar u tahay, kana qeybgalaysaa shirka Golaha wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ee garwadeenka uu ka yahay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo aan rajo weyn ka qabno in ay kasoo baxaan go’aamo waxtar u leh Shacabka Soomaaliyeed.”

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu yiri “Dowladda Puntland waxay diyaar u tahay ka qaybgalka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo RW Maxamed Xuseen Rooble. Dowladda Puntland waxay kaloo caddeynaysaa in ay diyaar u tahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka si waafaqsan heshiisyadii Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu gundhig u yahay heshiiskii 17 September 2020.”

Sidoo kale waxaa Rooble taageeray Midowga musharixiinta, guddoomiyaha aqalka sare iyo beesha caalamka oo kala shiray arrimaha doorashad iyo siddii loo dhameystiri lahaa.

Si gaar ah, Dowladaha Mareykanka iyo UK ayaa mar kale ku celiyey inay taageersan yihiin shirka uu ku baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee Golaha Wadatashiga Qaran

Qoraal kooban oo kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu yiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Wada-hadallada toddobaadkan ee Madashan horey u jirtay waxay muhiim u yihiin dedejinta hanaanka doorashada Soomaaliya iyo sixitaanka khaladaadka la arkay.”

Safiirka UK, Kate Foster ayaa iyana tiri “Waxaan sii wadeynaa inaan taageerno baaqa ku saabsan kulanka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho. Madashan muhiimka ah waa halka ay tahay in cabashooyinka iyo arrimaha wax looga qabto. Wadahadalka waa u muhiim wax ka qabashada dhibaatooyinka iyo khaladadaadka la arkay iyo dedejinta hanaanka doorasho ee Soomaaliya.”

Xubnahan ayaa waxay dhamaantooda Ra’iisul Wasaaraha ku garab taagan yihiin dadaalka doorashada ee uu hormuudka u yahay iyo qabsoomidda doorasho daahfuran, waqtiyaysan, islamarkaana la xaliyo tabashooyinka iyo qaladaadka ka jirra doorashada socota.

Dhinaca Farmaajo illaa hadda waxaa taageero u muujiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo sheegay inuu ka qeyb-geli doonin shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha, balse uu diyaar u yahay maamulkiisa ka qeyb-galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday.

Sida muuqata illaa hadda waxaa ku gacan sareeya Ra’iisul Wasaare Rooble dagaalka siyaasadeed ee kala dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waa suurta-gal in xulafeysiga dhinacyada ay kordhaan saacadaha soo socda, hase yeeshe dhinacyadii u muhiimsana ayaa illaa hadda waxay raacsan yihiin dhanka Ra’iisul Wasaaraha, oo asagu ah mas’uulka u sareeya ee gacanta ku haya arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii