UK oo shaacisay go’aanka ay ka qaadaneyso Soomaaliya sababo la xiriira khilaafka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan UK, Vicky Ford ayaa si adag uga hadashay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan muranka hareeyey hannaanka doorashooyinka iyo khilaafka haatan u dhexeeya madaxda ugu sarreysa ee waddanka.

Vicky Ford ayaa marka hore shaaca ka qaaday inay Uk aad uga walaacsan tahay xaaladaha soo kordhay, waxayna sheegay in haatan Soomaaliya ay taagan tahay meel xasaasi ah.

“UK waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Soomaaliya waxay mareysaa meel xasaasi ah,” ayey tiri wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed inay meel iska dhigaan khilaafka, ayna usoo jeestaan, sidii loo soo gaba-gabeyn lahaa doorashada socota ee 2021-ka.

“Si loo helo xasilloonida iyo amniga Soomaaliya, waxaa lagama maarmaan ah in madaxda Soomaaliya ay sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada, si loo xaqiijiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan natiijada ka soo baxda,” ayey markale bayaankeeda ku tiri Vicky Ford.

Dhinaca kale waxa ay hoosta ka xariiqday haddii ay dhici weyso doorasho loo dhan yahay, inuu isbedalayo xiriirka haatan ka dhexeeyo Beesha Caalamka iyo Soomaaliya, iyada oo  intaasi ku dartay in UK ay qiimeyn ku sameyn doonto xiriirka iyo nooca caawimaadeeda.

“Haddii la waayo is-afgarad buuxa oo horseedaya in doorasho loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo la qabto iyadoo aan dib u dhac kale dhicin, waxaa isbedeli doona xiriirka Beesha Caalamka iyo madaxda Soomaaliya. Boqortooyada (UK) waxay saaxiibadeeda caalamiga ah kala shaqayn doontaa hab midaysan oo dib-u-qiimayn loogu samaynayo xiriirkeenna iyo nooca caawimadayada Soomaaliya,” ayey markale tiri Vicky Ford.

Ugu dambeyn waxay ku boorisay Golaha Wada-tashiga Qaran inay deg deg u qabtaan shirkooda, isla-markaana ay diiradda saaraan arrimaha aas aasiga ah iyo xallinta khaladaadka la arkay ee doorashooyinka dalka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka.

“Daah-furnaan weyn oo geeddi-socodka ayaa si gaar ah muhiim u ah,” ayey ugu dambeyntii ku tiri warsaxaafadeedkeeda, wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan UK.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii