ROOBLE oo farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed ee 12-ka October oo maanta ku beegan ayaa farrriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo u hambalyeeyey maalinta Calanka.

Rooble ayaa ugu baaqay guud ahaan Ummadda Soomaaliya in laga shaqeeyo midnimada iyo horumarka dalka, si ay horey ugu sii socoto dowladnimada Soomaaliya.

“Waxaan Ummadda Somaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalinta calankeenna ee 12ka October oo ku beegan maanta oo kale 67 sano ka hor,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale Rooble ayaa sii raaciyey “Calankeena ha sarreeyo, gobannimada Soomaaliyeed ha waarto. Gallad waxaan u haynaa geesiyadii u soo halgamay difaaca Calanka iyo Ciidda.”

Sanad walba maanta oo kale 12-Oktoobar ayaa si weyn loo xusaa maalinta Calanka, iyada oo la qabto xaflado iyo damaashaadyo kale oo lagu weynaynayo markii ugu horeysay oo la isku raacay Calan Soomaaliya leedahay waxaana inta badan laga sheekayaa taariikadiisa.

Calanka Soomaaliyeed waxaa naqshadiisa la soo bandhigay sanadkii 1952-dii, iyada oo ay  QM ay ogolaatay sanadkii 1954 markaas oo uu u tegay Cabdullaahi Ciise.

Xuska ayaa sanadkan ku soo aaday xilli muhiim ah, isla-markaana aad isha loogu hayo kiiska badda oo ay maanta shaacineyso ICJ, iyada oo guusha loo saadaalinayo Somalia.