Ciidamada Puntland iyo rag hubeysan oo dagaal culus uu ku dhex-maray Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad xalay ka dhacay bartamaha magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, kaas oo u dhexeeyey ciidamada ammaanka ee maamulkaasi iyo rag hubeysan.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Puntland oo ku jiray roondo & rag ka ganacsada maandooriyaha oo xilligaas la socday gaari nooca raaxada ah.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidamada amniga ayaa ku dhintay israsaaseynta labada dhinac, waxaana ku dhaawacmay tiro kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada amniga ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ahaa raggii hubeysnaa, halka kuwa kalena ay baxsadeen, kuwaas oo lagu raad-joogo.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca laamaha ammaanka oo ku aadan dagaalkan oo dhacay xalay saq-dhexe, waxaana saaka xaaladdu tahay mid deggan.

Puntland ayaa haatan dagaal adaga kula jirta kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee ku sugan magaalooyinka maamulkaasi, isla-markaana dhibaato ku haya bulshada deegaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Saciid Deni uu amar ku bixiyey in laga hortego oo gacan bir ah lagu qabto dadka maandooriya soo galiya Puntland & kuwa ganacsada.