Tigray-ga oo lagu qaaday WEERAR jiho kasta ah

Mekele (Caasimada Online) – Mucaaradka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada militariga dowladda federaalka Ethiopia ay kusoo qaadeen weerar “jiho kasta ah”, oo uu ka mid yahay gobolka Amhara.

Xafiiska ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ma uusan xaqiijin warkan oo yimid xilli ay jirtay xan ah in ciidamada militariga ay qorsheynayaan howlgal weyn, hase yeeshee wuxuu sheegay in dowladda uu waajib ka saaran yahay inay shacabka ka badbaadiso jabhadda TPLF.

“Weerarka uu Abiy Ahmed ku hanjabay inuu dib ugu qabsanayo Tigray si rasmi ah ayuu u billowday,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri Jabhadda TPLF.

“Subaxii 11-ka October 2021, militariga Ethiopia oo taageero ka helaya ciidamada Amxaarada, waxay billaabeen weerar isku xiran oo jiho kasta ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Ka sokow boqolaal kun oo maleeshiyo ah, ciidamadan xasuuqa damacsan, waxaa taageerayada taankiyo, diyaarado dagaal iyo kuwa drone ah, taasi oo aan shaki gelineyn damacooda ah gumaadka.”

Dowladda Abiy ayaa carabka ku adkeysay in howlgalka militari ee waqooyiga lagu beegsanayo TPLF, oo ay si rasmi ah ugu calaameysay urur argagixiso, ee aan loola jeedin shacabka.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda ayaa sheegay in inkasta oo uu jiro weerarka cusub, haddana ciidamada aysan weli soo gaarin Tigray.

Waxa uu sidoo kale sheegay in TPLF aysan ka war hayn wax ku lug lahaansho oo ciidamada Eritrea ah, kuwaas oo horey militariga Ethiopia u taageeray intii uu socday dagaalka 11-ka bilood ah.

“Dowladda Ethiopia waxay mas’uuliyad ka saaran tahay inay shacabkeeda ku sugan dalka oo dhan ay ka badbaadiso ficillada argagixisada,” waxaa sidaas tiri Billene Seyoum oo ah afhayeenka Abiy Ahmed.

“Dowladda Ethiopia waxay sii wadi doontaa inay ka hortagto burburinta TPLF, rabshadaha iyo dilalka ka dhacay gobolka Amhara ee meel kasta oo kale.”