Xog: Dhowr Arrimood oo dib u dhigay weerarkii uu Qoor Qoor ku qaadi lahaa Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Is-casilaadda Wasiirkii Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi waxay ahayd jug weyn oo Madaxtooyada Galmudug ku dhacday, kana hor istaagtay in la weeraro Xoogaga Ahlu-Sunna, oo 1-dii bishan la wareegay gacan ku haynta magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Is-casilaadda Wasiirka waxay timid saacado yar uun ka hor, xilli la qorsheeyay in Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay weeraraan Guriceel.

Wasiir Fiqi ayaa Khamiistii Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ku eedeeyay inuu diiday in fursad la siiyo dadaalada socdo ee lagu xalinayo khilaafka maamulka kala dhaxeeya Hoggaanka Ahlu-Sunnada Gobolada Dhexe.

Saacado ka dib is casilaaddii Wasiir Fiqi, ciidan ka tirsan Daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay gacan ku haynta Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo.

Ciidamadan ayaa la rumeysan yahay inay ka gadoodeen is-casilaadda Wasiirkii Amniga, waana xilli Fiqi loo tiriyo inuu yahay maskaxdii ka dambeysay dhismaha ciidamadaasi. Galmudug ayaa markii ugu horeysay sanadkii 2020 yeelatay ciidamo Daraawiish ah.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa Jimcihii beeniyay in ciidamadaasi ka gadoodeen is casilaadda Wasiir Fiqi, balse ay ka gadoodeen sida uu yiri mushaar la’aan, xilli sida uu sheegay ay ciidamada kale qaateen mushaaraadkoodii.

Wasiir Fiqi oo hadlayna waxaa uu mar kale ka digay in la weeraro Magaalada Guriceel, weerarkaasi ayuu ku sheegay mid aan loo baahnayn.

Ciidamada Daraawiishta ee Galmudug ayaa habeen hore baneeyay Kontoroolka Koonfurta Gaalkacyo, iyagoona dib ugu laabtay Xerada Indha-qaris oo 40km u jirta Magaalada Gaalkacyo, halkaas oo markii horeba ay ka yimaadeen.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ay qaarkood labada dhinac dib uga dhex bilaabeen dadaaladii ay ugu kala dab qaadayeen, si looga baaqsado dagaal uu dhiig ku daato.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Galmudug oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsan ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee haatan taagan ay tahay Ahlu-Sunna oo doonaysa inay ku gorgortanto Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla-markaana ay maamusho kastamka canshuuraha ee Degmada Matabaan.

Dadka odoroso siyaasadda dalka ayaa kuu sheegaya in ujeedka ugu weyn Ahlu-Sunna ee xilligan uu yahay, sidii xubno ku feker ah loogu soo dari Golaha Shacabka, si lamid ah sidii dhacdayba sanadihii 2012 iyo 2016. Xeeldheere-yaashu waxay sheegayan in doorashadan ay muhim u tahay Ahlu-Sunna, lamase oga sida ay xilligan ku suurtageli karto inay xubno ku yeelato Baarlamaanka Federaalka.

Ilo muhiim ah oo ku dhow dhow Ahlu-Sunna ayaa sheegay, haddii metelaad rasmi ah ku yeeshaan Baarlamaanka soo socda, ay Galmudug ka caawin doonaan la dagaalanka Al Shabaab.

Ahlu-Sunnada Bartamaha Soomaaliya waxaa lagu tilmaamaa mid khibrad badan u leh dagaalka Al-Shabaab, Maamulka Galmudug-na aanu waxba ka faa’iidi doonin dagaal uu xilligan adag kala hortaggo Ahlu-Sunna.

Laba iyo toban sano oo Ahlu-Sunna ka arrimineysay Gobolada Dhexe ayay dhulkii ay maamuleysay ka dhigtay mid ay ka caagaan Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Ma cadda dadaalada socdo inay guuleysan doonaan iyo in kale, Galmudug-na uma muuqato mid saami Golaha Shacabka ka siinaysa Ahlu-Sunna, haddii aanay waxba iska bedelin siyaasadda Villa Somalia.