ROOBLE oo madaxweyne Xasan u jeediyay fulinta arrin uu ku fashilmay Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb-galay munaasibad lagu abaal-marinayay guddiyadii iyo howl-wadeenadii doorashada ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u jeediyay in uu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in markale dalka dib loogu celiyo doorashadii dadbaneyd ee dhibka badan iyo caqabadaha horta leh uu kasoo maray.

“Madaxweyne Xasan waxaa ka sugeyna doorasho qof iyo cod ah oo aan dib loogu noqon dhibkii lasoo maray ee ahaa doorasho dadban, waxaa Ilaahay ka baryaya in uu dib noogu soo celin doorasho dadban,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale waxa uu shacabka Soomaaliyeed usoo jeediyay inay joogteeyan ducada madaxda Qaranka ay la garab taagan yihiin si dalkeena ugu horseedan horumar iyo xasilooni amni.

“Ilaahay SWT ayaa mahad iska leh, oo duruuf kasta oo adag nasoo dhaafay, haddii aan Alle u mahad-celin dhamaanteen meesha aan maanta gaarnay iyo meesha u socono ma gaari doono, Ilaahay waxaa leeyahay mahadsanid dhibka aad naga saartay.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in xiligaan xaalada guud ee dalka ay dagan tahay hadey dhan siyaasadeed iyo amni ay tahay, isaga oo madaxweynaha cusub uga baryaya Alle in uu xilka u fududeeyo.

“Madaxda dalka howsheeni ayay wadaan oo waxay gacanta ku hayaan hantideeni, amnigeeni iyo siyaasadeeni marka haddii aan loo duceyn iyaga wey rafaadayan anagana waa khasaarayna, markaas aan u duceyno.”