R/W Rooble oo sheegay inuu xilka ka degayo oo uu deg deg ku wareejinayo haddii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shalay ka qeyb-galay munaasibad tobabarka loogu soo xirayay qaar kamid ah ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay in xilka si dhaqso ah u wareejiyo.

Rooble ayaa sheegay in uu faarujin doono xafiiska uu xiligan joogo, kadib marka uu si rasmi ah u dhameystiro doorashooyinka dalka oo muddo badan wajaheyay dib u dhacyo dhowr ah.

“Aniga ra’iisul wasaare Rooble ahaan aan sida ugu dhaqsaha badan u faarujiyo xafiiska uguna wareejiyo qofka Ilaahay u calfo, wey iga go’an tahay arrintaas,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale waxa uu faray madaxda dowlad goboleedyada dalka in si dhakhso ah u dardar-geliyaan doorashada Golaha Shacabka, oo dhawaan laga bilaabay magaalada Muqdisho oo lagu doortay kuraas kamid ah kuwa gobolada Waqooyi ee Somaliland.

“Waa in shacabka Soomaaliyeed uu culeys ku saaro (Madaxda) in doorashada la boobsiiyo, si dalka uu uga gudbo marxalada uu ku jiro oo uu galo nidaam iyo dowlada cusub.”

Rooble ayaa ku bogaadiyey ciidanka booliska Soomaaliyeed sida ay u garab istaageen xiliga kala guurka, isaga oo ku amaanay qeybta ay ka qaadanayaan amaanka doorashada oo muhiim u ah qabsoomideeda.

“Waxaa rabaa in halkaan uga mahad-celiyo guddiga doorashooyinka heer federaal oo maanta diray agabkii u dambeeyay ee doorashooyinka oo u kala diray tobanka magaalo ee doorashada ka dhaceyso.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyntiina darajooyin u xiray saraakiil tobabar layli sarkaal ku soo qaadatay dalka Masar, kuwaas oo lagu wado inay qeyb ka noqdaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka iyo sugida Amniga doorashooyinka.