Sagaal jabhad oo isbaheysi ku dhowaaqay in qorshe uu Abiy ku baxayo oo socda

Washington (Caasimada Online) – Ciidamada Tigrayga Ethiopia ayaa isbaheysi la sameystay mucaarad kale oo hubeysan oo dalka ka jira, ayaga oo wada olole meesha looga saarayo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, looguna gubdo nidaam ku-meel gaar ah.

Isbaheysigan oo dhismihiisa lagu saxiixayo magaalada Washington maanta oo Jimce ah ayaa waxaa qeyb ka ah kooxda TPLF ee Tigray-ga, kooxda OLA ee Oromada, Jabhadda Cafarta ee ARDUF, jabhadda qowmiyadda Agaw ee ADM , jabhadda qowmiyadda Benishangul ee PLM, jabhadda qowmiyadda Gambella ee PLA, jabhadda qowmiyadda Kimant, iyo Jabhadda wax iska caabinta gobolka Soomaalida ee SSR.

Jabhadda cusub oo loogu magac daray UFEFF ayaa dooneysa “in la dhiso dowlad ku-meel gaar ah,” si ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu sida ugu dhaqsiyaha badan xilka uga dego, waxaa sidaas wakaaladda wararka AP u sheegay Yohanees Abraha oo ka mid ah aas-aasayaasha, 

“Tallaabada xigta waxay noqon doontaa, dabcan, in la billaabo kulamo iyo xiriiro lala sameynayo dalalka, diblomaasiyiinta iyo jilayaasha caalamiga ah ee Ethiopia iyo dibedda.”

Yohanees ayaa sheegay in isbaheysiga cusub uu yahay mid siyaasayeed iyo mid militari. Wax xiriir ah lama lahan dowladda Ethiopia, ayuu ku daray.

Afhayeenka Ciidamada Xoreynta Oromada ee OLA, Odaa Tarbii ayaa xaqiijiyey isbaheysiga cusub. Mar wax laga weydiiyey inay ka dhigan tahay bixitaanka Abiy, wuxuu ku jawaabay inay ku xirnaan doonta dowladda Ethiopia iyo dhacdooyinka toddobaadyada soo socda.

“Dabcan waxaan doorbideynaa haddii la heli karo isbeddel nabad iyo kala dambeyn ah oo Abiy uu meesha uga baxo,” ayuu yiri.

“Hadafka waa in nidaamku noqdaa mid loo dhan yahay sida ugu macquulsan. Waan ognahay in isbeddelka uu u baahan yahay dhammaan saamileyda,” ayuu yiri. 

Afhayeen u hadashay dowladda Billene Seyoum ayaa u muuqatay inay jawaab ka bixisay isbaheysiga cusub, mar ay qoraal soo dhigtay twitter.

“Dhinac kasta oo diida hanaanka dimqoraadiga ah ee Ethiopia ay qaaday kama mid noqon kara dimoqraadiyenta,” ayey tiri ayada oo ula jeeda gusha uu Abiy ka gaaray doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkan.