ROOBLE oo si cajiib ah ula taliyey madaxweyne Deni

Garowe (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomalaiya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta ka qeyb galay xafladii caleemo saarka madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa  ayaa aad ula dardaarmay Saciid Cabdullaahi Deni oo nasiib u yeeshay in mar labaad uu ku soo laabto xukunka.

Rooble ayaa sheegay in Saciid Deni uu maanta heysto fursad weyn, isagoo kula taliyey in albaabada siyaasadda uu balaqo oo Puntland iyo Soomaaliya oo dhan uu isku wado.

“Saciid Deni waxaan kula talinayaa inuu albaadada siyaasadda balaqo oo xilalka uu bixiyo, gacantiisuna furaato,” ayuu yiri Rooble.

Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo hadalkiisa sii watay ayaa yiri, “Koonfurta ayaa waxaa laga yaqaanaa qof la doortay oo xilkii heysta, xoolihii ku darsada oo hadana xanaaqsan, Madaxweyne ha noqon sidaas.”

Sidoo kale Rooble ayaa masuuliyiintii isugu timid xafladaan kula taliyey in qofkii xil loo dhiibto oo dadku doortaan uu iska ilaaliyo muddo kororsi, “qof kasta oo mustaqbalka doorasho raba, waxaan u cadeynayaa in waqti lagu darsado uusan faa’iido laheyn, waxaa tusaale idinkugu filan fursadii uu Deni idin tusay, maadaama uu doorashadii ku qabtay waqtigeeda, kuna soo laabtay isagoo nadiif ah,” ayuu yiri.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in 14 sano uu ka shaqeynayey deegaanada Puntland, isla markaana uu reer Puntland ku yaqaano dad nabadda jecel oo aan qaadan fikrado banaanka uga yimid.

Wuxuu sheegay in shacabka Puntland ay ka duwan yihiin shacabka kale ee Soomaaliyeed markii la eego is maqalka iyo nabad jeclida, isagoo kula dardaarmay inay nabadooda xajistaan, Soomaalida kalena wax la wadaagaan.

“Puntland waxaan kula talinayaa Madaxweynaha iyo shacabkaba sabar, dulqaad iyo isku hayn inay muujiyaan, marwalba waxaa nala dhahaa Puntland waa ‘Hooyada Federaelka’ Hooyada waxaa laga rabaa inay sabarto ee maaha inay xanaaqdo oo caruurteeda u diido caanaha,” ayuu yiri Maxamed Xuseen Rooble.