Rooble oo soo faro-geliyey loolanka guddiyada waqooyi – Maxaa dhacay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo faro-geliyey xiisadda ka dhex oogan xildhibaanada gobollada waqooyi, oo isku haya maamulka guddiyada doorashada gobollada waqooyi, kuwaasi oo laba u kala jabay.

Rooble ayaa maanta la kulmay xildhibaanadaas kadib markii xubnaha ay soo kala magacabeen Cabdi Xaashi iyo Mahd Guuleed ee guddiyada doorashada ay kala doorteen laba Guddoomiye, ayada oo xubnihii uu soo magacaabay Rooble ay la safteen garabka Mahdi Guuleed.

Rooble ayaa xildhibaanada kasoo jeedo waqooyiga kala hadlay khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ee Somaliland, wuxuuna u ballan qaaday in doorashada kuraastada loo maamuli doono si daahfurnaan ah, kana fog jecleysi iyo eex, sida lagu sheegay qoraal xafiiskiisa soo baxay.

Xubnaha kulmay xildhibaannada ka soo jeeda gobobllada woqooyi ayaa soo dhaweeyay kulanka uu ugu yeeray Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyaga oo sheegay inay diyaar u yihiin in doorashada Xildhibaannada ay u dhacdo si cadaalad ah.

Sida muuqata khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, iyadoo Guddidii labada garab ka yimid ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.

Arrinta ugu weyn ee la isku hayay ayaa ahaa in aanay doorashda Guddoomiyaha Guddiga ka qeyb galin saddexda xubnood ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga soo magacaabay, taasoo aheyd dood ay qabeen Garabka Cabdi Xaashi.

Lama ogo waxa uu khilaafka u dhaxeeyo guddiyada doorashada Somaliland uu ka badali karo kulanka Ra’isulwasaare Rooble Maanta la yeeshay xildhibaanada  waqooyiga.