Rooble oo xilka ka qaaday Wasiirka Arrimaha Dibedda, magacaabayna mid cusub + Isku shaandheyn kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka ka qaaday wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga Maxamed Cabdirisaaq, wuxuuna xilkaas u magacaabay Cabdi Saciid Muuse Cali.

Rooble ayaa sidoo kale xilka ka qaaday wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda dibedda, wuxuuna xilkaas u magacaabay Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah XFS ugu magacaabay Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Halka Wasiir-ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda loo magacaabay mudane Maxamuud Cabdi Xasan (Pekos).”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale isku baddelay labada wasiir ee kala ah: Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) oo loo magacaabay Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa iyo Xuseen Maxamed Sheikh Xuseen (Badni) oo loo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud Guriyeynta iyo Dib u dhiska.

Xil ka qaadista wasiirka arrimaha dibedda ayaa ku timid si lama filaan ah, mana cadda waxa dhiiri-geliyey.

Si kastaba, in wasiirka arrimaha dibedda loo magacaabo Cabdi Saciid Muuse Cali ayaa muujin karta in Rooble uu aad ugu dhowaaday madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay ka heshiiyeen khilaaf u dhaxeeyey.

Cabdi Saciid ayaa ka mid ah ragga aadka ugu dhow Farmaajo, wuxuuna ku magacownaa agaasimaha madaxtooyada, oo laga dhigay markii xilka la-taliyaha amniga qaranka oo uu hayey laga qaaday loona dhiibay Fahad Yaasiin.