Xildhibaan Faaduma oo ka laabatay dacwadii xasaasiga ee ay ka gudbisay Rashiid

Nairobi (Caasimada Online) – Dacwad ka dhan aheyd xildhibaan Rashid Qaasim oo ah Soomaali laga soo doorto Bariga Wajir oo ka tirsan baarlamanka Kenya ayaa la baabi’iyey kadib markii xildhibaan Faduma Gedi, oo horey ugu eedeysay inuu feeray ay sheegtay inay cafisay.

Ayada oo ka laabaneysa dacwadda, ayaa xildhibaan Faduma waxay sheegtay inay go’aansatay “inay cafis walalakeed.”

Faduma ayaa sidoo kale sheegtay inay sii wadi doonaan is gacan qaad dhex-maray ayada iyo Rashid oo ay billaabeen madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Faduma ayaa sheegtay inay Rashid kala shaqeyn doonto sare u qaadidda midnimada maamulka Wajir, oo labadauba ay baarlamanka Kenya kasoo galeen. Faduma iyo Rashid ayaa sidoo kale ballan-qaaday inay is-taageeri doonaan hadda kadib.

Xildhibaan Rashid ayaa ayaa uga mahad-celiyey Faduma inay aqbashay cudur daarkiisa.

Garsooraha maxkamadda dacwadda laga furay Martha Nanzushi ayaa kiiska ku calaameysay in laga laabtay.

Rashid ayaa 2019-kii lagu eedeeyey inuu Faduma ku feeray xarunta baarlamanka Kenya ee Nairobi.

Maxkamadda ayaa dhageysatay in xilli barqo ah uu Rashid ku weeraray Faduma halka baabuurta la dhigto ee xarunta baarlamanka uuna dhaawac gaarsiiyey. 

Kahor weerarka Rashid iyo Faduma ayaa la sheegay inay dhex-martay dood kulul.

Dhacdada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa oo diiwaan-geliyey xildhibaano kale oo ka tirsan baarlamanka.

Rashid ayaa ka careysnaa in Faduma oo ka tirsan guddiga maaliyadda ee baarlamanka aysan miisaaniyadda ku darin lacag uu u rabay deegaanka laga soo doorto.