Roobow oo shuruud adag ku xiray HESHIIS loo soo bandhigay si loo sii daayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laft-gareen) ayaa shalay xabsiga Habar-Khadiijo ee ciidamada NISA ku booqday Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur, oo u xiran dowladda.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay dadaallo ay wadday beesha Roobow iyo wada-hadal ay la lahayd dowladda oo ku saabsan in lasii daayo Roobow, dowladdana xaal-marin ka bixiso dhibkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Lafta-gareen uu Roobow ku war-geliyey qaar ka mid ah qodobada heshiis la diyaarinayo in lagu xaliyo dhibkii dhacay, islamarkaana lagu sii daayo Roobow.

Waxyaabaha Roobow loo ballan-qaaday ayaa waxaa ka mid ah, In lasii daayo dowladana ay xaal-marin siiso, halka dhibanayaasha dhibkii Baydhaba ay heli doonaan magdhow. Waxaa sidoo kale loo sheegay in la qabanayo shir looga xaajoonayo dhibkii gaaray Abuu-Mansuur isaga iyo kooxdiisa ololaha.

Si kastaba, Roobow ayaa la sheegay inuu diiday heshiiska, isaga oo dalbaday in la helo gacan saddexaad, oo ay u badan tahay inay tahay beesha caalamka, oo damaanad qaada heshiiska, isaga oo sheegay inuusan dib dambe u aamineyn dowladda federaalka, oo heshiis hore uga baxday, sida uu ku dooday.

Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu dalabka Roobow kula laaban doono madaxda dowladda, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow xukuumadda ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda aysan marnaba aqbali doonin gacan saddexaad oo soo dhex-gasha arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com