RUTO oo hanjabaad culus soo saaray kadib afduubkii ay geysteen Al-Shabaab

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya, Kenya William Ruto ayaa markii ugu horreysay ka hadlay afduub shan madax-xaafadeed (chiefs) loogu gaystay inta u dhaxaysa Ceelwaaq iyo Mandheera, falkaas oo looga shakiyay inay ka dambeyso Al-Shabaab.

Ruto ayaa ku hanjabay inay qaadayaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo laga fulinayo Ismaamulka Mandheera, si meesha looga saaro maleeshiyaadka kooxda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka shaqeyn doonaan sidii hoos loogu dhigi lahaa awooda Al-Shabaab oo inta badan weeraro culus ka fuliso gudaha dalka Kenya.

“Waa in aan hoos u dhignaa awoodda Al-Shabaab ee waqooyiga Kenya, si wadajir ah ayaan uga hortageynaa rabshada ka dhanka ah bulshada, dowladdu waxa ay beegsan doontaa dambiilayaasha” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay inay xoog kusoo furan doonaan shanta mas’uul ee u gacan galay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ee laga afduubtay aagga Mandheera.

“Kenya waxa ay soo furan doontaa 5-ta mas’uul ee Al-Shabaab ka afduubatay Mandheera.” ayuu mar kale yiri Madaxweyne William Ruto.

Al-Shabaab ayaa horay warbaahinteeda ku sheegatay afduubka shan mas’uul oo ka tirsan maamulka Mandheera, waxayna ku kala sheegeen, sida ay hadalka u dhigeen.

  1. Cadow Cabdulle Maxamed, oo ah gudoomiyihii hore ee magaallada War-gaduude.
  2. Maxamed Nuur Xaaji, oo ah Gudoomiyaha deggaanka Jajaboole.
  3. Cabdi Xasan Surre, oo ah Gudoomiyaha deegaanka Qurac Madoobe.
  4. Maxamed Xasan Kulmiye, oo ah Gudoomiyaha magaallada War-gaduude qeybta Bari.
  5. Ibraahiim Gaabow Cabdulle oo ah Gudoomiye-ku-xigeenka qeybta Bari ee magaallada War-gaduude.

Si kastaba, Dhacdadan afduubka ah ee ka dhacday Ismaamulka Mandheera ayaa ku soo aaday, wax yar uun kahor booqasho uu halkaasi ku tegay madaxweyne madaxweynaha Kenya, Dr. William Arap Samoei Ruto.