Sawirro: Ruushka oo ballan qaad culus u sameeyay Somalia

Moscow (Caasimada Online) – Dowladda Ruushka ayaa ku dhowaaqday ballan qaad culus oo ay u sameysay Soomaaliya, kadib wada-hadal ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalkaasi.

Wada-hadalka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhex-maray guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo safar shaqo ku jooga dalka Ruushka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda ilaalada madaniga, xaaladaha deg-degga ah iyo arrimaha la tacaalidda musiibooyinka ee dalkaas Dr. Kurynin Roman Viktorovich.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha bani’aadannimo ee Soomaaliya, jawaabta deg-degga ah ee loo baahan yahay si loo yareeyo khataraha ka dhasha musiibooyinka, is ay isaga kaashadaan labada waddan.

Sidoo kale waxa ay dhinacyadu ka wada-hadleen inay yeeshaan wadashaqayn dhow iyo in si guud hay’adda SoDMA laga caawiyo dhisidda kartida iyo aqoonta, iyadoo loo marayo tababarro dhan kasta ah iyo qalabeyn.

Intaas kadib wasiir Roman Viktorovich oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in uu madaxda ugu sarreysa Ruushka gaarsiin doono sida ay muhiim u tahay in gargaar deg-deg ah loo soo diro Soomaaliya, si saameynta abaaraha aysan u gaarin xaddi aan waxba laga qaban karin, ayna diyaar u yihiin inay garab istaagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa guddoomiyaha hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin ayaa ka mahad-celiyay taagerada muddada dheer ah, isagoo bogaadiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya Muqdisho iyo Moscow.

Horay Ruushka ayaa Soomaaliya ugu soo diray maraakiib siday gargaar, gaar ahaan Qamadi, kaas oo soo gaaray Muqdisho, kadibna ay la wareegtay dowladda Soomaaliya.