Ruushka oo rasaas ku furay markab British ah, soona saaray hanjabaad xooggan

Moscow (Caasimada Online) – Russia ayaa maanta ku eedeysay Britain inay faafineyso been ku saabsan iska hor-imaad Badda Madow ku dhex-maray maraakiibta dagaalka labada dal, waxayna ka digtay inay si xooggan uga jawaabi doonto daan-daansi kale oo ay sameeyaan ciidamada badda Britain ee ku sugan xeebta gobolka Crimea ee Russia ay goosatay.

Russia ayaa u yeertay safiirka Britain ee Moscow si ay ugu gudbiso diginin diblomaasiyadeed oo rasmi ah, kadib markii markab dagaal uu ku xadgudbay wax uu Kremlin-ka ugu yeeray xuduuddeeda badda, hase yeeshee Britain iyo dunida inteeda kale ay u arkaan inay leedahay Ukraine.

Britain ayaa sheegtay in Russia ay baahineyso akhbaar aan sax aheyn waxayna dood ka keentay sida ay u dhigtay dhacdada, ayada oo sheegtay inaysan jirin wax rasaas diginin ah oo lagu soo riday iyo bambooyin lagu tuuray marinka markabka lagu magacabao HMS Defender.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa u yeertay safiirka Britain Deborah Bronnert si ay ugu gudbiso “diginin adag”, waxaana afhayeenka wasaaradda Maria Zakharova ay London ku eedeysay “been cad.”

“Waxaan rumeysannahay inay aheyd daan-daansi cad oo horey loo diyaraiyey,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo ka hadlay dhacdadan oo Moscow ay sheegtay in rasaas diginin ah ku furtay, bambooyinna ku qarxisay marinka markabka British-ka.

“Haddii mar kale ay dhacaan ficilladan aan la aqbali karin ee daan-daansiga ah, haddii ficilladaas ay noqdaan kuwa xadkoda dhaafa, ma jirto wax meesha laga saari doono marka ay noqoto difaaca xuduudaha Russia,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay Peskov.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Britain Dominic Raab ayaa weriyayaasha ugu sheegay dalka Singapore oo uu booqasho ku joogo inaysan jirin rasaas lagu furay markabka HMS Defender.

Russia ayaa 2014 jasiirad u yaalka Crimea ka qabsatay Ukraine, kuna darsatay dhulkeeda, waxayna aagga xeebteeda u aragtaa inay ka tirsan yihiin biyaha Russia. Dalalka Reer Galbeedka ayaa Crimea u arka inay qeyb ka tahay Ukraine, waxayna diidaan sheegashada Russia.

Reuters + VOA