Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo soo saaray amar cusub oo ku saabsan lacagta $50

Muqdisho (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray amar uu ku socodsiinayo lacagta 50-ka dollar oo kal hore ay joojiyeen ganacsato ka tirsan kuwa ka howl-gala Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe oo kulamo la qaatay guddoomiyeyaasha Bangiyada, xawaaladaha iyo shirkadaha isgaadhsiinta ee lacagaha danabeysan ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin lacag been abuur ah oo soo gashay dalka, kadib baaritaan dheer oo uu sameeyay Bankiga dhexe.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in baaritaanka ay ku ogaadeen in baro-bagaado ay tahay wararka sheegaya in dalka lasoo geliyay lacag 50 dollar ah oo been abuur ah, islamarkaana ay tahay in ganacsatada ay qaadato lacagtaas oo aysan ka muujin shaki.

“Laga bilaabo maanta in Bangiga dhexe uu amray qaadashada iyo bixinta 50-ka dollar, cidii u hogaansami weyda go’aankan uu la xisaabtami doono Bangiga dhexe. Waxaa madaxda ganacsatada isla qaadanay inay u hogaamsanadaan awaamiirta Bangiga,” ayuu yiri guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Cabdiraxmaan Cabdillaahi.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono shirkadaha iska dhago-tira amarka Bangiga Dhexe, maadama aysan waxba ka jirin cabsida shacabka lagu abuuray ee la xiriirta in lacag Konton dollar ah oo been abuur ah ay ku jirto dalka.

Amarka kasoo baxay Bankiga dhexe ayaa imanaya xili ay muddooyinkii dambe taagneyd hadal haynta in lacag been abuur ah oo Konton dollar ah ay ku jirto dalka, taasi oo keentay in gebi ahaanba lacagtaas ay iska diidan shirkadaha iyo dadweynaha wax kala iibsanaya.