Sawirro: Dekedda Berbera oo dib u habeyn iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay

Berbera (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc ballaaran oo dib u dhis iyo casriyeyn loogu sameeyey marsada caalamiga ah ee Berbera, taasi oo baaxaddeedii hore loogu kordhiyey 400 (Afar boqol).

Munaasibadda xarig ka jarista marsada Berbera ayaa waxaa ka qayb-galay wafuud caalami ah oo ay kamid yihiin wafdi Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda oo ay wehlinayso wasiirka gaadiidka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Sidoo kale waxaa wafdiga qeybta ka ahaa munaasibadaas kamid ahaa wafuud uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau, Mudane Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka deriska iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah.

Maxaa lagu kordhiyay;

  • Waxaana ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU.
  • Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa gashaaman ah.
  • Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU
  • Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika.
  • Waaa lagu dhawaaqay wejigii labaad ee dekedda Berbera.
  • Deked cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono.

Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland ayaa wuxuu soo bilaabmay 2016-kii, ayada oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen 9-kii bishii Agoosto ee isla sanadkaas, taasi oo is-qab-qabsi gaaray gacan ka hadal uu ka dhacay fadhigii lagu ansixinayay ee baarlamaanka Somaliland.