Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,ayaa si qoto dheer uga hadlay qaababka ugu sahlan ee Somalia looga hirgalin karo shaqooyin tayo leh oo ay dadka ku anfacaan.
Ra’isul wasaare Cumar ayaa hadalkaani ka sheegay munaasabada 1da May, 2016 oo ahmaalinta shaqaalaha aduunka ugu hambalyeeyey dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed.
“Waxaan hambalyo ku aadan maalinta shaqaalaha aduunka u dirayaa dhamaan shaqaalaha Soomaaliyeed ee udub-dhexaadka u ah dhaqada iyo horumarka dalka guud ahaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarahu.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay dadaalka dowladda Soomaaliyeed ugu jirto inay abuurto shaqooyin, ayadoo laga faa’idaysanayo xooga shaqaalaha ummadda ee diyaarka ah. Waxaana uu tilmaamay baahida loo qabo aqoonyahanka iyo xirfadleyaasha Soomaaliyeed. Isagoo ummadda ku baraarujiyay inay sameeyaan aqoon kororsi ayna bartaan xirfadaha shaqo ee xiligan loo baahan yahay.
“Soomaaliyada cusub waxay u baahan tahay xoog iyo xirfad shaqo oo dabooli karta baahida shaqaale ee sii kordhaysa. Waxaana ummadda Soomaaliyeed kula dar-daarmayaa inay kordhiyaan aqoontooda iyo xirfadooda si ay ugu sahlanaato inay helaan shaqooyinka ka abuurmaya dalka gudihiisa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.
Hadalka Ra’isul wasaaraha dalka ayaa kusoo beegmaaya xili inta badan dhalinyarada Soomaalida ay yihiin kuwo shaqo la’aan la fadhiya wadooyinka, halka kuwa shaqeeyana ay yihiin kuwo aan qaadan wax Mushaar ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

