25.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Jawaari oo shaaciyay xildhibaanada aan ka mid noqon doonin baarlamaanka cusub ee 2016-ka.!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo shalay ka hadlayay kulankii xukuumada ku horgeysan baarlamaanka qorshaha doorashooyinka sanadkaan ayaa hanjabaad dad ban u jeediyay xildhibaanada qaarkood.

Afhayeenka Jawaari oo si xeeladeysan ula hadlayay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xildhibaanada qaar aysan kamid ahaan doonin baarlamaanka cusub ee imaanaya.

Xildhibaanadaasi ayuu ku tilmaamay iney yihiin xildhibaanada maqnaanshahooda ku bato kalfadhiga ugu dambeeya ee sideedaad kaasi oo haatan baarlamaanka uu ku gudo jiro.

Wuxuu sheegayin xildhibaan walbaa oo ka maqnaada kalfadhigaan ay ku wargelin doonaan beesha uu matalo inuusan kusoo darin liiska xildhibaanada cusub haddiiba uu soo laabanayo sababtoo ah buu yiri ma ahan ruux waajib gudan kara.

Jawaari ayaa hanjabaado kala duwan u jeediyay xildhibaanada ka maqnaada kulamada baarlamaanka yeelanayaan, waxaana uu horey hal jeer u ganaaxay xildhibaano shirarka ka maqnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News