25.6 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Puntland oo weerar ku qaaday Shariif Xasan Sh.

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa markale jawaab adag siiyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Baay iyo Bakool, kuwaasi oo horey Puntland ugu eedeeyay iney dhibaateyso dadka koofurta Soomaaliya kasoo jeeda.

Taliska ciidamada booliska Puntland ayaa jawaab adag bixiyay kadib markii ay u dulqaadan waayeen eedeyntii kululeyd ee kasoo yeertay xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanka Koofur Galbeed.

C/qaadir Shire Faarax oo loo yaqaan Ereg oo ah ku xigeenka taliyaha ciidamada booliska Puntland ayaa sheegay in marnaba aysan run aheyn hadaladii warbaahinta ay siiyeen xildhibaanada koofur Galbeed.

Taliyuhu wuxuu sheegay in dadka lasoo qabtay dagaalada iyo kuwa dilalka, qaraxyada iyo howlgalada lagu qabtaba u badan yihiin dadka gobaladaasi kasoo jeeda, maadaama masuuliyadii ilaalin lahayd hadda ay muuqadaan kuwa aan waxba qabaneyn oo kaliya Cambaareyn iska jeedinaya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in siyaasiyiinta iyo xildhibaanada Baay iyo Bakool looga baagan yahay iney la socdaan dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan oo kaliya aysan iska qeylin marka dadkoo loo xiro amni daro.

Taliyaha wuxuu qiray in dadka dambiyada amni daro badanaa lagu qabtaa ay kasoo jeedaan Baay iyo Bakool, balse siyaasiyiinta ay ogaadaan iney dadkooda amni daro qeyb ka yihiin, laakiin aan dhibaato kale loogu geysan saldhiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News