Sawirro: Hoyga Horjoogaha ISIS-ta Somalia oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa si buuxda ula wareegay guri uu deegaanka Galgala ku lahaa Horjoogaha Daacish-ta Somalia Sheekh C/qaadir Muumin.

Ciidamada maamulka oo watay gaadiidka dagaalka gaashaaman ayaa weeraray gurigaasi, waxa ayna sheegen in gurigaasi uu kamid noqon doono hantida maamulka Puntland.

La wareegida Hooyga Horjoogaha Daacish-ta Somalia Sheekh C/qaadir Muumin ayaa waxaa baahiyay Telefishinka Sky News ee dalka Britain oo sheegay in gurigaasi uu galay gacanta Ciidamada maamulka.

Guriga lala wareegay ayaa waxaa degnaa Carruur iyo Haween la sheegay inay kamid yihiin qaraabada Horjoogaha kuwaasi oo Ciidamada Maamulka ay u qabteen qaab Argagixiso ahaan, iyaga oo sheegay inay kamid ahaayen garabka Horjoogaha.

Dadka lagu qabtay guriga ayaa waxaa kamid ahaa wiil aad u da’ yar oo sheegay in awood lagu heystay islamarkaana lagu dhex xiray guriga si uusan u baxsan.

Guriga ay la wareegtay Puntland ayaa waxaa iminka la dhigay Ciidamo la sheegay inay la soconayaan dhaqdhaqaaqa deegaankaasi.
cegrab-20160428-151556-403-1-589x442

SH.-AK-MUMIN

gabar2

scm1

scm2

scm3

scm4

scm5

scm6