Xog: R/W CC oo garab istaagay Cabdi Weli Gaas

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegaya in Cumar uu fakir ahaan la midoobay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa sheegay in aragti ahaantiisa uu qabo in Somalia laga cirib tiro mab’ada Siyaasdeed ee salka ku hayo awood qeybsiga 4.5, waxa uuna tilmaamay inuu aaminsan yahay in dhibta ka taagan Somalia ay sabab u tahay nidaamka 4.5.

Sharmaarke waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Puntland uu kaga soo horjeedo arrimo dhowr ah, balse uu ku raacsan yahay in Somalia laga saaro nidaamka 4.5.

Mar wax laga weydiiyay kala duwanaanshiyaha isaga iyo Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu sheegay in arrinta Hiigsiga 2016-ka ee Somalia iyo qaabka doorasho ee dalka uusan aheyn mid ku xiran shaqsi gaar ah amaba looga danbeynaayo Madaxweynaha dalka, balse cid waliba ay u furan tahay inuu soo bandhigo aragtidiisa.

Waxa uu intaa ku daray in shaqsi ahaantiisa uu C/wali Gaas ku raacsan yahay in laga gudbo 4.5 oo uu sheegay inay tahay sababta keentay hormar la’aanta Somalia.

Sharmaarke ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka tashtaan aayahooda oo aysan ku xirnaan afkaar kale oo ka duwan kan shaqsiyaadka Dowlada, si uu yiri meesha looga saaro nidaamyo aan la garaneynin xiliga laga dhaqan galiyay Somalia.

Dhanka kale, waxa uu Ra’isul wasaare Cumar ku taliyay in madaxda sanadka soo socta ka arimin doonta dalka looga baahan yahay inay la dagaalamaan Siyaasadaha qalafsan ee Somalia dhaxal-galka u noqday.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
Caasimada@live.com