Wasiir DF ah oo ka been sheegay warbixintii QM

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Hay’adda QM u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ay shaacisay inay wado dadaalo ay dib ugu soo celineyso Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalka dibadiisa islamarkaana tirada iminka kusoo laabatay Somalia ay tahay mid aad u yar, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Wasiir Hadliye.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Cabdi Salaan Hadliye oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa sheegay in mudada uu xilka hayo ay Somalia dib ugu soo laabatay Qaxooti dhan 80,000 kun oo qof oo uu sheegay inay ka imaaden kaliya dalalka Kenya iyo Yemen.

Wasiirka ayaa sheegay inay suuragal tahay in Qaxootiga dalka kusoo laabtay ay intaa kasii badan karto, waxa uuna shaki galiyay wararka kasoo baxaaya Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha Qaxootiga kuwaasi oo sheegay in Qaxootiga dalka kusoo laabtay ay ka yar yihiin 50,000.

Wuxuu sheegay in tirada ugu badan ay Somalia soo gaaren wakhtiga yar ee uu isaga xilka hayo, waxa uuna wax kama jiraan ka dhigay in dadaalka Hay’adaha ku shaqada leh arrintaasi oo uu sheegay inay ka gaabiyeen heerkii ay horay u ballanqaaden inay gaarsiin doonaan tirada Qaxootiga ee imaan doonta Somalia.

Wasiir Hadliye ayaa sidoo kale ka hadlay warxumo tashiilka ay qurbe joogta ka faafinayaan xaalado xun oo aan ka jirin dalka, waxa uuna ugu baaqay inay ka taliyaan aayaha Somalia oo ay joojiyaan wararka xun ay ka faafinayaan dalka.
Haddalka Hadliye ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan QM ay shaacisay warar sheegaya in gaabis uu ku imaaday Qaxootiga Soomaalida ee dalkooda dib ugu laabanaaya, sababo la xiriira ka laabashada Qaxootiga go’aankooda safar.

Caasimada Online
Xafiiska Mudisho
Caasimada@live.com