Duulimaadyo imaan lahaa Muqdisho oo baaqday

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkada Duulimaadyada Turkish Airways ayaa maanta baajisay duulimaad ay ku imaan laheyd magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan dad xog ogaal ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa kasoo duuli laheyd garoonka diyaaradaha ee dalka Turkiga waxayna soo mari laheyd dalka Jabuuri sida wararka aan ku heleyno kadibna waxay imaan laheyd  magaalada Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa iney maanta baaqato diyaarada Turkish Airways duulimaadkii ku imaan laheyd magaalada Muqdisho.

Sababta ay u baaqatay diyaarada ayaa lagu sheegay iney tahay weerar xalay ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kadib markii labo doomood lagu weeraray garoonka diyaaradaha.

Ma jiro masuuliyiin ka tirsan Turkish Airline oo arimahaasi ka hadlay  iyo masuuliyiinta AMISOM iyo garoonka aadan Cadde oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay garoonka diyaaradaha.

Shirkada ayaa baqdin dhanka amaanka ah u baajisay safarkii ay ku imaan laheyd garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com