BOORSAANI oo u jawaabay xildhibaannada BFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka jawaabay hadalkii kasoo yeeray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa inuu wareejiyay Ex-Baarlamaan.

Gudoomiye Boorsaani ayaa sheegay inuusan jirin shaqsi uu ka iibiyay dhismihii hore ee baarlamaanka laakiin ay ku hishiiyeen  maamulka Universal iney nadiifiyaan hismaha oo sanado kaliya ku jiran sida uu sheegay gudoomiyaha.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay ineysan jirin cid si gaar ah loogu wareejinayo dhismihii hore ee baarlamaanka laakiin laga sameyn doono isbedel goobta, maadaama ay tahay meel aan nadaafad ahaan wanaagsaneyn.

Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in arinkaasi uu Baarlamaanka gaaray balse uu u sheegaayo in si qaldan wax loogu sheegay sidaasi darteed isaga marnaba uusan ku talagalin in guriga shacabka uu dad gaar ah ku wareejiyo.

Ugu danbeyntii Gudoomiye Yusuf waxa uu sheegay in ka hor inta aysan nadaafada sameyn iyaga ay ku war galiyeen gudoomiyaha Baarlamaanka in la nadiifinaayo Ex Baarlamaanka isla markaana uu ka aqbalay arinkaasi sidaasi ay ku dhacday arinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com