QM oo maanta shaqaale looga dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa galabta magaalada Muqdisho lagu dilay laba ruux oo saarnaa gaari nooca yar, waxa uuna weerarkooda ka dhacay xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan.

Dabley hubeysnaa oo la socday gaari kale, ayaa ku hor jaray gaarigii ay wateen labadaasi qof, iyagoona durbaba rasaas xoogan oodda kaga qaaday.

Labada ruux ee weerarka lagu dilay ayaa waxaa kamid aheyd haweeney magaceeda lagu sheegay Aamina Nur Maxamed oo ka howlgali jirtay xarunta Hay’adda UNHCR oo QM u qaabilsan Arimaha Qaxootiga ee ku taalla magaalad Muqdisho, halka ruuxa kalane uu ahaa darawalka Haweeneydaasi.

Dilka kadib ayaa waxaa suuragashay in kooxihii falkaasi geystay ay isaga baxsadaan goobta waxaana durbadiiba gaaray Ciidamada Dowladda oo halkaasi ka sameeyay baaritaano lagu xaqiijinaayay cidii falkaasi ka danbeysay.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada dilkaasi Shaqaalo ka tirsanaa UNHCR loogu geystay Xaafada Siigaale ee Degmada Hodan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com