Document sir ah: Khiyaanada NICHOLAS KAY iyo hanaanka doorasho ee uu rabo 2016 (Aqriso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog aay heshay shabakada Caasimada Online, ayaa waxaa ku cad in wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya in uu mar hore go’aan ka gaaray masiirka siyaasadeed ee dalka, isla markaana uu isagu masuul ka yahay is qabqabsiga iyo dagaalka hoose ee ka dhexeeya dowlad goboleedyada, isaga markaa hamigiisu yahay in aay fusho ama loo helo dariiq lagu fuliyo qorshaha siyaasadeed ee ku wajahan doorashada 2016.

Xogtan ayaa waxaa heshiis ku ah urur goboleedka IGAD iyo UN waana waddo lagu xaarayo sidii aay Soomaaliya mustaqbalkeeda god u sii geli lahayd, laguna xaqiijinayo mashruucyada qaramada midoobay iyo IGAD Afarta Sano ee soo socota 2016 ilaa 2020.
Deeq bixiya yaasha ayaa aad uga walaacsan habka uu wax u wado Nicholas Kay waxa aayna la’yihiin Soomaali u damqata dalkan oo ku caawiyaan sidii looga saari lahaa dhibtan ku habsatay Soomaaliya.

Caasimada Online si ayaa wax ka weydiisay qaar ka mid ah wadamada deeq bixiyayaasha ah kaddib markii aan helnay xogtan. Waddamada Norway, Sweden iyo USA ayaa waxaa fajac ku noqday markii aay akhriyeen xogtan qarsoon ee Nicholas Kay. Ingiriiska ayaa isaga ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo.
Waa Maxay Qorshaha Qarsoon ee Nicholas Kay.?

1. In Dowlad goboleedyada aanay wax heshiis ah ku gaarin madasha wada tashi, taasoo markii horeba loo sameeyay in lagu majaxaabiyo fekerka iyo aragtida saliimka ah ee muwaadinka Soomaaliyeed.
2. In aanay Soomaaliya ka dhicin doorasho xaq iyo xalaal ah, si waddanka uu uga sii jiro is qabqabsiga siyaaseed ee u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo saaxiibada Xasan Sheekh.
3. In aay sii socdaan oo qiil loo helo fara gelinta waddamada deriska ah iyo IGAD aay ku hayaan Soomaaliya, si mar walba loo yiraahdo, SOOMAALIDA MA TASHAN KARAAN, mana HESHIIN KARAAN.

Waxaa shaqsi walba oo Soomaali ah u cad maanta in Nicholas Kay oo dhinac maray wax xushmad ahna aan u hayn dastuurka dalka in uu maalgeliyay isqabqabsigan, uuna masuul ka ahaa dhismaha dowlad goboleedyo aanan sharci ahayn, sida Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Gal Mudug.
Haddaba, maxaa xal u ah Soomaaliya?

Xal waxa uu ku jiraa oo kaliya in Soomaali aay u istaagto gobonimadeeda, lana abaabulo kacdoon ka dhan ah IGAD, UN iyo Xukuumadda Xasan Sheekh. Meel intaa ka dhow oo lagu soo celin karo haybaddii iyo haykalkii dowladnimo ma jirto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Halkan hoose ka akhri; Mashruuca Nicholas ee uu rabo in aay DOORASHO ku dhacdo 2016.

[su_document url=”http://caasimadda.net/wp-content/uploads/2015/12/Electoral-compromise-model-ENGLISH.pdf” width=”1120″ height=”1060″]