Beesha Mudulood oo dooneysa qaab degmo

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha Mudolood oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay in qaab deegaan lagu soo xulo xildhibaanada cusub ee imaanaya sanadka 2016.

Siyaasiyiinta beesha mudulood ayaa sheegay in loo baahan in laga gudbo nidaamkii hore ee lagu soo dhisi jiray xildhibaanada baarlamaanka ee ahaa qaabka qabiilka ku saleysan.

“Soomaali markii dagaal fara badan uu soo maray waxay xal u arab in qabiil wax lagu saleeyo laakiin si hoose looma eegin sababtoo ah cadaalad daro ayaa ka jirto, waxaase haboon in qaab deegaan loo laabto, xaqa haddii laga tago xal ma imaan karayo, waxaa lasoo gaaray xiligii la dhamaan lahaa 4.5”.ayuu yiri mid kamid ah waxgaradka beesha.

Dhanka kale ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, oo madasha ka hadlay ayaa soo dhaweeyay hadalka waxgaradka beesha, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in qaabka 4.5 looga gudbaa qaab deegaan.

“Siyaasada dowlada ma aamisan in qalad laga fahmo, Dowlada Xasan Sheikh waxaa laga rabay in doorasho qof iyo cod la gaaro laakiin ma aysan dhicin dowladana wey cadeysay, haddii mar sidaasi aysan suuro gal aheyn nidaam kale iney keento ayaa laga rabaa, waa inaan gadaal iyo qabiil loo laaban”ayuu yiri.

Fikrado laga soo ururiyay qaar kamid ah deegaanada maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu soo jeediyay in qaab deegaan lagu soo doortaa xildhibaanada cusub ee imaanaya sanadka soo socdo,

14 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com