TV Universal oo maalgelinaya bilicda Muqdisho

 Muqdisho (Caasimada Online) Telefishinka caalamiga ah ee UNIVERSAL TV ayaa noqday warbaahintii ugu horreeysay ee ka hirgelineyso ka qeyb qaadashada bilicda magaalada Muqdisho.

Balse Caasimadda oo kuur gashay arrintan ayaa waxaan ku soo ogaanay in Milkiilaha uu ballan qaaday in uu halkaa ka dhiso oo kaliya darjiino aay dadka ku nastaan taasoo wax badan ka bedeli doonta bilicda faras magaalaha caasimadda ee Muqdisho.

Eng. Axmad oo ah milkiilaha TV Universal ayaa ah muwaadin ku dayasho mudan, waayo waa ganacsadihii ugu horreeyay ee lacagtiisa ku dayac tira ama ku dhiso goob nasaho, taasoo ujeedka TV Universal uu yahay oo kaliya in aay soo noqoto bilicda caasimada Muqdisho.

Waa arrin ku dayasho mudan, waxaanan rajeyneynaa in ganacsatada kale aay ku daydaan ka qeyb qaadashada soo celinta bilicda magaalo madaxda Muqdisho

 

 

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com