Xog: XASAN SHEEKH oo beeniyey xaqiiq taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo siyaabo kala duwan uga hadlay Siyaasada Somalia ayaa sheegay in inta badan DF Somalia lagu eedeeyo in talada dalka ay hoos geysay Beesha Caalamka.

Madaxweyne Xassan ayaa tilmaamay in Beesha Caalamka aysan faragalin ku heynin Siyaasada Somalia balse kaliya ay Dowladu ka saacido dhanka dhaqaalaha iyo dajinta wadadii looga gudbi lahaa burburka Somalia daahsaday.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay inuu la socdo in Umadda Soomaaliyeed ay DF ku dhaliilayaan in Beesha Caalamka ay ka socon la’ dahay Somalia, waxa uuna beeniyay jiritaanka warkaasi.

Beesha Caalamka ayuu sheegay in Somalia ay u joogan inay ka shaqeeyan amniga iyo xasiloonida iyaga oo aan faragalineynin danaha gaarka ah ee Somalia.

Waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay ku sugan yihiin dal waliba oo adduunka dhaca, taasina ay muujineyso inaysan faragalin ku heynin dalalkaasi balse joogitaankooda uu yahay mid la xiriira Siyaasada kala dhexeysa.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa Shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in aanu muujin wax baqdin oo ku aadan isbadalka la filayo in dalka uu ka dhaco Sanadka 2016-ka ee fooda nagu soo heyso wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in horey loo socdo.

Haddalka Xassan Sheekh ayaa imaanaya iyadoo inta badan Shacabka ay aad u hadal hayaan faragalin la sheegay in Beesha Caalamka ay ku hayaan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com