Xog: Xasan Sheikh oo arrin aan laga fileynin kula kacay Beesha Mudulood (Sidee wax u dhaceen?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan Balaaran oo ay isugu yimaadeen Beesha Mudulood ayaa waxaa ay kaga hadleen Qodobo muhiim ah kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen diyaargarowga Hiigsiga 2016ka qaabka loo wajahaayo doorashadda Xiliga kala guurka, u diyaar garowga ka qeyb qaadashada xiligaasi ee dhanaca beesha iyo Doorka ay ku leedahay arimhaasi, sida ay u aragto in ay u dhacdo doorashadaasi xiliga kala guurka, waajibaadka beesha ka saaran arimhaasi, iyo qodobo kale oo ku wajahan qorshaha 2016ka.

Shirka ayaa waxaa la’isku raacay in aanan marna lagu saleyn doorashada 4.5 iyo xulitaanka xildhibaanada 2016. Hannaanka 4.5 ayeey beesha ku sheegeen in uu yahay mid xaaraan ah isla markaana aan sharci ahayn.

Shirka ayaa waxaa ka hadlay siyaasiinta beesha muddulood, waxaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ka hadashay shirka. Ra’iisul wasaarihii hore. Prof: Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeelle, iyo siddeed ka mid ah xildhibaanada beesha muddulood oo shirka xaadir ku ahayd.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa yimid iyadoo aan la fileyn kolonyo ka socda ciidanka NISA oo uu horkacayo Taliyada NISA Tuuryare. Buuq iyo sawaxan ayaa mar qura is qabsaday, iyadoo ciidankii meesha yimid aay abbaareen dhamaan ha’ayadihii warbaahinta ee goobta joogay, waxaana intooda badan laga qaatay cajaladihii aay wax ku diibayeen iyo kaamirooyinkii lagu qaadayay sawirada.
Beesha Muddulood ayaa gebi ahaanba ka soo horjeeda Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana la rumeysan yahay inuu soo diray ciidamada meesha yimid.

Madaxweynaha ayaa dhumiyay taageerada beeshiisa iyo midda shacabka Soomaaliyeed guud ahaan. Madaxweynaha oo dhaqmaya qaab diktatooriyo ah, oo rabo inuu afka qabto saxaafadda si uu u majo xaabiyo doorashada 2016 sidii isaga loo soo dooran lahaa.

Ugu danbeyntii dadkii ka soo qeyb galay shirka ayaa mar qura bilaabaay qeylo iyo sawaxan iyagoo markaa hal heyskoodu ahaa. Diidna Caburin, Dooni mayno Damul Jadiid iyo erayo kale oo badan.

https://youtu.be/EcccJLdfFOU

1 2 3 5 4 6 7 9 8 10 11 13 12 14
city4

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com